Xildhibaanno iyo Senataro katirsan Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa maanta tagay Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug iyaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Xubnaha Galmudug tagay waxa ay kala yihiin: Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka 10aad JFS Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe & Senataro Cabdi Dhuxulow Dhagdheer.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal kooban uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in safar maanta ay ku tagaan Dhuusamareeb halka isla maanta ay usii gudbayaan Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed.

Mahad, ma faah-faahin waxyaabaha kasoo baxay kulanka ay la qaateen Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ay kula kulmeen Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb.

“Dhuusamareeb ayaan safar shaqo ku soo gaarnay maanta. Hadana Baydhabo ayaan ku sii jeednaa. Safarkeena safar guuleed Allaha ka dhigo!” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Facebook.

Dhanka kale, Magaalada Baydhabo waxaa maanta kulan ku yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka 11aad ee metalaya DG Koofur Galbeed iyo Odoyaasha dhaqanka, waxa ay ka arrinsadeen xaaladaha kasoo cusboonaaday Doorashooyinka Dalka.

May be an image of 2 people, people sitting, people standing, eyeglasses and indoor

Koofur Galbeed ayaa diiday in lalaalo natiijada doorashada saddex kursi oo uu diiday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT, marka laga reebo saddex Xildhibaan oo ku sugan Muqdisho kana soo jeeda DG KGS lama dhaarin.

May be an image of 1 person

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here