Saacado kadib warar soo baxayay oo sheegayay in Dowlada waqtigeeda dhamaday ay ka laabatay arintii Bada ee Kenya kala dhaxaysay, waxaa arintaas ka hadlay Raisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mahdi ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah isku laheyn kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya oo ay shalay dib usoo celisay.

Sidoo kale Hadalka mahdi ayaa ka danbeeyay saacado kadib Markii warar lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar oo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.

Wararkaas ayaa intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo uu tegayo Doha halkaasi oo uu kula kulmi doono Uhuru Kenyatta, si heshiiska loogu saxiixo.

Office Nairobi Kenya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here