Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta waxaa uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Dr. Mutlaq AlQahtani,.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed.

Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada da ayuu yiri” Mahadi Guuleed.

Ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Dr. Mutlaq alQahtani oo todobaadkaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyeyaasha labada Aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here