Sabtida maanta ah waxaa magaaladda Muqdisho lagu soo dhaweeyay wafdigii Soomaaliya ugu qayb galay dacwada bada ee xaadiray fadhiga Maxkamadda cadaaladda aduunka xarunteeda magaaladda The Hague.

Mahdi Guulleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo hogaamiyay wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha kula hadlay warbaahinta waxa uuna mahadceliyay madaxweyne-yaashii, Ra’iisul wasaare hore ee dalka kaalinta ay ku lahaayeen guusha dacwada bada isaga oo dafiray kaalinta uu guusha ku lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isagu saxiixay heshiiska MoU-da.

“Waxaan u mahadcelinaa laga bilaabo dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, wasiiradii arrimaha diba ee xilligaas iyo doorkii ay ka qaateen, Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ka mid ahaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid” ayuu yiri Mahdi Guulleed Khadar.

Guulleed ayaa u mahadceliyay wasiiradii hore ee arrimaha dibada wasiir Fowsiya Xaaji Aadan, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Cabdisalaan Xaliye Cumar, Yuusuf Garaad Cumar, Mahad Cabdalla Cawad iyo wasiirka arrimaha dibada ee hada Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble iyo Xasan Cali Khaye Ra’iisul wasaarihii hore ee xukumadda oo uu sheegay in ay door wayn ka ciyaareen in bada Soomaaliya ku guulaysto.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo aan soo hadal qaadin Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo heshiis saxiixay ayaa sidoo kale amaanay qorshihii Baarlamaankii 8-aad ku qaatay go’aankii dhaxal dhawr ee lagu Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii.

Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa 12-kii boshaan Octoober go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here