Kabtankii Tareenka ayaa bilaabay in uu baadi goobo Farsama yaqaano, Makaanik, Dab yaqaan, Goomiste, xaddid yaqaan, Bata lamayeeri yaqaan si Tareenku dib ugu dhaqaaqo. Arintaasi waxa ay farxad galisay Guud ahaan Shacabkii dhibsanayay Ciladaha Curyaamiyay Tareenka. Farsama yaqaannada qaarna waxaa la sheegay in Gobalada laga dooni doono.

Su’aalaha Shacabku is weeydiinayo ayaa ah:

Advertisement

1. Booqashadu ma igu sawiraa, mise waa hala saxo wixii Saqiirada siyaasadeed iyo Socod Subxaanyooleydu ku dheeleen.

1. Lama ogo sida Kooxda ” Naxnu” Ay uga fal celi doonaan booqashada.

2. Lama ogo in Farsama yaqaanadda Cusub loo ogolaadoono in ay “Tool” Dadeed badan soo qaataan bacdamaa Cilladaha Tareenku ay badan yihiin. (F.S: 1-1-3aad)

3. Farsama yaqaanada Cusub ma ogolaa doonaan in ay la shaqeeyaan Kooxda “Naxnu” amarna ma ka qaada doonaan.

4. Dadka waxaa ka muuqato Rajo iyo Hididiilo cusub, Haddii Sida ay Sugayeen Tareenka iyo Rakaabkiisa cusubi iskula jaan qaadaan.

Qore : Yahya Amir

Previous articleDab khasaare hantiyeed gaystay oo ka kacay nawaaxiga Say-biyaano
Next articleXOG: Maxaa isku soo aadiyay waqtiyo isku dhaw guuldarooyinka Dowlada iyo diyaaradii UN-ka ee ku dhacday dhulka Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here