HomeWarkiiMala oran karaa Madasha Samatabixinta waxay ka baaqsadeen inay burburaan?

Mala oran karaa Madasha Samatabixinta waxay ka baaqsadeen inay burburaan?

War-murtiyeedka ay galabta soo saareen madasha samata-bixinta ayaa u muuqday mid is-barbar-dhac kusoo dhamaaday, iyadoo la ogaa in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay madashu ku kala aragti duwanaayeen wadahadalladii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh. Qaar ka mid ah xubnaha madasha ayaa rabay in wadahadalladu sii socdaan, halka qaar kalena ay ku adkeysanayeen in wadaxaajoodyadii ay Madaxweynaha la lahaayeen uu dhammaaday intaan kaddibna uu sii socon karin.
War-murtiyeedka ayaa u muuqda mid siinaya labada dhinacba guul 50–50, maadaama ay caddeeyeen in guddiga wada-xaajoodka uu sii wado hawshiisa wadahadalka, isla markaana ay ku adkeysanayaan in gebi ahaanba dib loogu laabto Dastuurkii KMG ahaa ee 2012.
Mowqifkan mideysan wuxuu u muuqdaa mid cadaadis saaraya Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay kubadda kusoo celiyeen dhinacaa iyo Villa Somalia, iyadoo hadda la sugayo sida Madaxweynuhu u aqbali doono shuruudahan ama uu isagu wajaho eedda ah inuu hor istaagayo in xal siyaasadeed la gaari karo, xilli uu jiray khilaaf siyaasadeed ay ku kala tageen labada dowlad-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.
Waxaa Qorey: C/casiis Golaf
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -