Wararka ka imaanaya Deegaanka Af-barwaqo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof shacaba lagu dilay bartamaha magaaladaasi.
Dilkaan ayaa daba socda aanooyin qabiil oo muda ka jirey gobolka Muduig, maleeshiya beeleedkii dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday lamana yaqaan halka ay qabteen.
Maamulka Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Puntland oo dhibaatadaani ka dhacday wali kama hadlin falkaasi sida xogta ay ka hayaan iyo inay soo qabteen.
Dhawaan Deegaankaani Af-barwaaqo waxaa meel fagaare ah lagu toogtay gacan ku dhiigle qof shacaba dil u geystay taasoo qisaas u ahayd marxuumkii uu dilay,balse dhacdadaani lama oga in sidaas oo kale loo xalin doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM