HomeWarkiiMaleeshiyaad goor dhaw aano qabiil dad badan ugu laaysay duleedka Degmada...

Maleeshiyaad goor dhaw aano qabiil dad badan ugu laaysay duleedka Degmada Wala-weyn

WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Wala-weyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maleeshiya beeleed hubeysan ay goor duleedka Magaaladaasi ku laayeen dad shacaba qeybaha kala duwan ee bulshada ka koobnaa.

Wararka ayaa tilmaamaya in kooxaha dadka laayay duleedka Wala-weyn tuulo ku taal  ku weerareen dad badan oo ceel biyood ku sugan, waxaa ka dhashay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya in ilaa 5 ruux goobta ku dhinteen halka qof kalana uuku dhaawacmay,waxaana la sheegay in dhamaan dadka dhintay rag ahaayee ,waxaana dhacadaani daba socotaa aano qabiil sida aan xogta ku helnay.

Hay’adaha amniga Magaalada Wala-weyn ayaa ku baxay halka dadka lagu laayay inkastoo wali war laga heyn inay gacanta ku dhigeen iyo inay kale walow inta badan maleeshiya beeleedyada aaney u sahlaneyn in ciidamada Dowladu soo xiraan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. MADXWEEYNAHA MUQDISHO EE SOMALIYA OO MUQDISHOO KALIYA XUKUMA: INTAKALE

    DOWLAD AYAA SHEEGANAAYO SIDA ;DOWLADDA SOMALILAANDA DOWLADA JUBBADA HOOSE DOWLADDA BUUNTA LAAND:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -