Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ansixiyay in dalka Libya laga hirgeliyo xabbad joojin, isla markaana dalkaas loo direy 60 kormeere oo dusha kala socon doona meel-marinta go’aankan.

Sidoo kale dowladda midnimada Qaran ee Liibya, ayaa loogu baaqay in ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana loo dhan yahay 24 bish December ee sanadkan.

Go’aanka golaha ammaanka ay codka aqlabiyad ah ku meel mariyeen ayaa ka dambeeyay soo jeedinta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Libya ayaa deganaansho la’aan ku jirtay tan iyo 2011, markaas oo xukunka xoog looga tuuray hogaamiyihii dalkaas Macamar Al Qaddafi.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here