COOSWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in galabta laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ku dagaalameen Deegaanka Coowswayne kaasoo ka dhashaykhasaare dhimsho iyo dhaawacba leh.
Maleeshiy Beeleedka iska hor yimid ayaa ka soo kala jeeda Beelaha walaalaha ah ee Murusade iyo Wacaysle waxayna isku hayaan sida aan xogta ku helnay is qabqabsi dhanka dhulka ah taasoo ah inta badan waxa reeraha Soomaaliyeed isku qataan.
Maleeshiyaadka dhaawacyada ay kala gaareen ayaa la soo sheegayaa in loo kala qaaday isbitaalo ku kala yaal Magaalooyinka Ceeldheer & Galhareeri ee bariga Gobolka Galgaduud,dhinacyada ayaa la soo sheegayaa inay isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
.Xaaladda Deegaanka Coowswayne ee labada reer isku hayaan ayaa wali xaalad dagaal ku jirta mana jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo dhanka Maamulka Galmudug ka yimid kaasoo lagu kala dhex galayo maleeshiyaadka isku haya halkaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
