XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah u bilowday wadahadallo la xiriira saxiixa weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyökeres, iyadoo wada-xaajoodyadu si wanaagsan ku socdaan, sida ay warinayaan SIC iyo wargeyska Record.Red Devils ayaa la fahamsan yahay inay diyaar u yihiin inay la yimaadaan dalab gaaraya €60 milyan iyo €10 milyan oo gunooyin la xiriira waxqabadka ciyaaryahanka, taasoo ah isla qiimihii ay hore ula fal-gashay Arsenal.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska waxaa hortaagan caqabadda ugu weyn: Gyökeres laftiisa. Weeraryahanka ayaa si cad u muujiyay inuusan dooneyn ku biirista Old Trafford, isagoo wali rumeysan in Arsenal tahay kooxda uu doonayo inuu ku biiro.
Inkastoo Sporting CP ay u muuqato mid diyaar u ah inay heshiis la gaarto Man United, haddana suurtagalnimada heshiiskaasi way yaraatay ilaa uu Gyökeres beddelo mowqifkiisa.
Tani waxay culays saareysaa Man United, iyadoo waqtigu uu ka sii dhacayo suuqa kala iibsiga xagaaga.
