HomeCiyaarahaManchester City oo guul muhiim ah ka gaartay Arsenal, dibna u soo...

Manchester City oo guul muhiim ah ka gaartay Arsenal, dibna u soo nooleysay rajadeedii horyaalka

XIGASHO LAACIB.NET

Manchester City ayaa guul aad u qaali ah ka gaartay kooxda Arsenal, ka dib markii ay 2-1 ku garaacday kulankii xiisaha badnaa ee wareegga 33-aad ee horyaalka Premier League-ga.

Manchester City ayaa hoggaanka ciyaarta ku qabatay gool uu u dhaliyay Rayan Cherki daqiiqaddii 16-aad, ka dib markii uu baas ka helay Nunes, isagoo dhex galay xerada ganaaxa, si xirfad lehna u dhaafay difaaca Arsenal ka hor inta uusan shabaqa ku hubsan kubadda.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa bar-baraha heshay labo daqiiqo ka dib markii qalad uu ka dhacay goolhaye Donnarumma; baas dib loogu soo celiyay ayuu isku dayay inuu iska saaro, balse waxay ku dhacday Kai Havertz, iyadoo si tartiib ah ugu dhalatay shabaqa oo marnaa.

Manchester City ayaa la timid goolka guusha daqiiqaddii 65-aad, ka dib markii O’Reilly uu loog qurux badan u soo qaaday Erling Haaland, kaas oo isna si xarrago leh kubadda ugu leexiyay goolka.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay weli hoggaanka ku hayso 70 dhibcood, halka Manchester City ay dhibcaheeda ka dhigtay 67 dhibcood, iyadoo weliba uu u baaqi yahay hal kulan oo ay la ciyaari doonto kooxda Crystal Palace.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -