Kooxda Manchester United ayaa muujisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Randal Kolo Muani, sida uu warinayo ESPN.Weeraryahanka reer France oo 26 jir ah ma ahan qayb ka mid ah qorshaha PSG, waxaana la sheegay inuu isagu doonayo inuu ka tago kooxda xagaagan.
Kooxda horyaalka Ligue 1 ee PSG ayaa diyaar u ah inay aqbasho amaah ay ku xiran tahay iibsasho qasab ah ama iib toos ah oo ku kacaya qiyaastii €50 milyan.
Dhinaca Manchester United, xaaladooda dhaqaale ayaa soo hagaagtay kadib markii ay amaah ku direen Marcus Rashford, taasoo u oggolaaneysa inay sahamiyaan xulashooyin cusub oo weeraryahanno ah sida:
- Randal Kolo Muani
- Ollie Watkins
- Dusan Vlahovic
Si kastaba, saxiix kasta oo weeraryahan cusub ah waxey u badan tahay iney ku xirnaan doonto in mid ka mid ah weeraryahannada haatan joogga uu baxo, maadaama ay kooxda horey u khasaariyeen:
- Rasmus Højlund
- Joshua Zirkzee
Kolo Muani ayaa xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ku qaatay Juventus, kuwaasoo xiiseynaya inay sii heystaan, balse dhaqaalahooda ayaa u muuqda mid aan u saamaxeyn.
Manchester United ma ahan kooxda kaliya ee xiiseyneysa ciyaaryahankan — waxay wajahayaan tartan uga imaanaya Newcastle United, halka kooxaha Chelsea iyo Arsenal ay horay uga tanaasuleen laacibkan.
