HomeCiyaarahaManchester United oo go’aan kasoo saartay mustaqbalka Bruno Fernandes, kadib wareysigii uu...

Manchester United oo go’aan kasoo saartay mustaqbalka Bruno Fernandes, kadib wareysigii uu ku weeraray mas’uuliyiinta Kooxdka

XIGASHO LAACIB.NET

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes ayaa mar kale kiciyay hadal-heynta mustaqbalkiisa kadib wareysi gilgilay warbaahinta oo uu ku shaaciyay in maamulka kooxda xagaagii hore muujiyay inaysan waxba ka qabin haddii uu u wareego Al-Hilal, taasoo ka dhigtay inuu dareemo “xanuun” iyo “murugo”, inkastoo ay si buuxda uga go’an tahay inuu sii joogo kooxda.

Fernandes, oo diiday dalab dhaqaale oo aad u weyn oo gaarayaya £100 milyan kana yimid kooxda Sacuudiga; dalab saddex jibbaari lahaa mushaharkiisa, ayaa sheegay in guddiga klubku uusan lahayn “geesinimo” ay ku khasbaan inuu baxo, arrintaasna ay ka hor timid rabitaanka tababare Ruben Amorim.

Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow Manchester United ayaa si adag uga jawaabay hadalladaas, iyagoo xaqiijiyay in aysan jirin wax qorshe ah oo lagu iibinayo Fernandes, islamarkaana uu weli yahay xudunta mashruuca mustaqbalka ee Amorim.

Waxay xuseen hadalladii Fernandes ee bishii Oktoobar, markaas oo uu sheegay inuu dareemay in la qiimeeyo, kadib markii klubku u caddeeyay mowqifkooda oo waafaqsan rabitaanka tababaraha ee ah in la sii hayo.

Fernandes ayaa qandaraas kula jira United ilaa 2027, iyadoo ay jirto ikhtiyaar hal sano oo dheeraad ah. Inkastoo United ay qorsheynayaan inay xoojiyaan khadka dhexe xagaaga dambe, iyagoo hore ula socday Carlos Baleba (Brighton, qiimeyn ka badan £100m), Elliot Anderson (Nottingham Forest), iyo Adam Wharton (Crystal Palace).Diiradda ayaa ah in lagu dhiso kooxda hareeraha kabtanka, halkii la fasixi lahaa.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -