HomeCiyaarahaManchester United oo go’aan kasoo saartay xiisaha Victor Osimhen

Manchester United oo go’aan kasoo saartay xiisaha Victor Osimhen

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Manchester United kama shaqeyneyso sidii ay u heli lahayd weeraryahanka Napoli Victor Osimhen, sida laga soo xigtay Mark Ogden oo ka tirsan ESPN.

Ogden ayaa sheegay:

“Inkasta oo la heli karo, ilo-wareedyo ayaa u sheegay ESPN in Manchester United aysan dooneynin inay u dhaqaaqdo saxiixa Victor Osimhen, kaasoo xilli ciyaareedkii hore amaah ugu maqnaa kooxda Galatasaray ee dalka Turkiga.”

“Ilaha ayaa intaas ku daray in United ay aaminsan tahay in Osimhen uusan ahayn nooca weeraryahanka uu u baahan yahay tababare Ruben Amorim, iyadoo sidoo kale qiimaha la sheegayo ee €75 milyan uu yahay caqabad kale.”

Weeraryahanka kale ee la xiriirinayo United waa Viktor Gyökeres, taasoo qayb ahaan la xiriirta xiriirka uu horey ula lahaa Ruben Amorim. Si kastaba ha ahaatee, wali ma jirto dalab rasmi ah oo kaga yimid kooxda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -