XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah qorshaheeda uga saartay saxiixyada Alexander Isak, iyo sidoo kale xiddigaha kale ee weerarka sida Benjamin Šeško iyo Nicolas Jackson, sababo la xiriira xaddidaad dhanka miisaaniyadda ah, sida uu daabacay Daily Mail.
Inkastoo United ay doonayso inay ku darto weeraryahan cusub safkeeda, haddana ma awoodo iney qarash geliso saxiixyo qaali ah kadib markii ay xagaagan qarash gareysay in ka badan £130 milyan oo ay kusoo qaateen Bryan Mbeumo iyo Matheus Cunha.
Isak, oo lagu qiimeeyay £150 milyan, ayaa hadda ka baxay qorshihii United, iyadoo Liverpool iyo kooxaha kale ee Premier League ay si ka wanaagsan ugu diyaar garoobeen tartanka saxiixiisa.
Sidoo kale, weeraryahanka Chelsea ee Nicolas Jackson, oo la rumeysan yahay inuu qiimihiisu u dhaxeeyo £80–100 milyan, ayaa sidoo kale laga saaray raadeerka United waqtigan. Si kastaba, warar ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in la tixgeliyo heshiis is-weydaarsi ah oo uu qeyb ka noqon karo Alejandro Garnacho si loo yareeyo kharashaadka.
Xitaa Benjamin Šeško, oo qiimihiisu hoos uga dhacay qiyaastii £60 milyan, ayaa weli loo arkaa inuu yahay mid aad qaali ugu ah United waqtigan.

