HomeCiyaarahaManchester United oo kusoo biirtay loollanka loogu jiro saxiixa Rodrygo

Manchester United oo kusoo biirtay loollanka loogu jiro saxiixa Rodrygo

XIGASHO LAACIB.NET

Manchester United ayaa wajahaysa dhibaato weyn ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub, kaddib markii goolhayaha koowaad André Onana laga saaray safka tartamada isdiyaarinta sabab la xiriirta dhaawac muruqa bowdada ah, taasoo halis gelinaysa ka qeyb-galkiisa kulanka furitaanka Premier League ee Arsenal 17-ka August.

Sida uu qoray The Telegraph, dhaawaca ayaa dhacay intii lagu jiray tababar ay United ku qaadanaysay xerada Carrington, waxaana la filayaa inuu maqnaado 6 ilaa 8 toddobaad, taasoo keentay in tababare Rúben Amorim uu si degdeg ah u baadigoobo goolhaye cusub.

United waxay haystaan dhowr beddel oo gudaha ah, sida:

Altay Bayındır – goolhayaha labaad

Tom Heaton – khabiir 38 jir ah oo dhowaan heshiis cusub saxiixay

Radek Vítek – goolhaye 21 jir ah oo si fiican ugu soo ciyaaray BW Linz xilli ciyaareedkii la soo dhaafay

Si kastaba, kooxda ayaa sidoo kale dibadda ka eegaysa beddel suurtagal ah, iyadoo afar goolhaye si gaar ah loo magacaabay:

Goolhayeyaasha La Tixgelinayo:

1. Emiliano Martínez (Aston Villa)

– Goolhayaha xulka Argentina ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn, laakiin qiimaha sare ee ay Villa dalbaneyso ayaa caqabad ku ah heshiiska.

2. Senne Lammens (Royal Antwerp)

– Goolhaye da’yar oo si weyn loola dhacay mudadii uu Amorim xiiseynayay goolhaye cusub.

3. Lucas Chevalier (Lille)

– Mid kale oo ka mid ah da’yarta faransiiska ee mustaqbalka fiican leh.

4. Zion Suzuki (Parma)

– Goolhaye asalkiisu yahay Japanese-American, oo lagu amaanay xirfadiisa iyo horumarka uu ka sameeyay Talyaaniga.

Ma cadda in United ay dooneyso beddel ku-meel-gaar ah ama tartan toos ah oo muddo fog ah oo Onana lagu beddelo, balse dhaawacan ayaa si dhab ah u beddelay qorshihii xagaaga ee kooxda.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -