HomeCiyaarahaManchester United oo Palmer la soo wareegeysa, haddii……

Manchester United oo Palmer la soo wareegeysa, haddii……

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeygii hore ee Manchester United, Teddy Sheringham, ayaa aaminsan in kooxda ay kaliya lacag badan ku bixin doonto Cole Palmer haddii ay iibiso kabtankeeda Bruno Fernandes.

Sheringham ayaa ku tilmaamay xiddiga Chelsea “world-class”, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda joogteynta:

“Waxaan u maleynayaa in United ay kaliya jebin doonto bangiga si ay u hesho ciyaaryahan sida Palmer haddii ay iibiso Bruno Fernandes,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in labada ciyaaryahan la wada safi karo haddii ay jiraan ciyaaryahanno khadka dhexe oo daafaca ka qeyb qaata:

“Waad wada ciyaarsiin kartaa labadooda haddii aad haysato khad dhexe oo adag oo gadaal taageera.”

Si kastaba, Sheringham ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhaawacyada yar-yar ee Palmer:

“Markaad raadineyso ciyaaryahan heer sare ah oo Manchester United ah, waxaad rabtaa mid si joogto ah u ciyaara. Wuxuu la kulmay dhaawacyo yaryar sida suul iyo muruq, taasoo noqon karta dhibaato mustaqbalka.”

Palmer, oo 23 jir ah, ayaa si joogto ah loola xiriirinayay u wareegista Old Trafford, waxaana la sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro haddii fursaddu timaado.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -