HomeCiyaarahaManchester United oo u dhaqaaqday saxiixa xiddiga lagu naanayso ‘mustaqbalka khadka dhexe...

Manchester United oo u dhaqaaqday saxiixa xiddiga lagu naanayso ‘mustaqbalka khadka dhexe ee England’!

XIGASHO LAACIB.NET

Manchester United ayaa qorshaynaysa isbeddel weyn oo ay ku samaynayso khadka dhexe, iyadoo diiradda saaraysa ugu yaraan laba saxiix oo cusub si ay u xalliso dhibaatada ka jirta qaybta dhexe ee garoonka, sida ay werisay jariiradda The Athletic.

Xiddigga kooxda Nottingham Forest, Elliot Anderson, ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee Red Devils. Maamulka kooxda ayaa u arka 23-jirka heerka caalami ee dalka England mid si buuxda ugu habboon qorshaha mustaqbalka fog ee kooxda, maadaama uu ka ciyaari karo boosas kala duwan.

Sidoo kale, Adam Wharton oo u ciyaara Crystal Palace ayaa si weyn looga qadariyaa garoonka Old Trafford, halka Carlos Baleba oo u ciyaara Brighton uu isna ku jiro liiska xiddigaha lala socdo ee dookha xooggan u ah kooxda.

Kooxda dejisa qorshaha saxiixyada ee United ayaa aaminsan in ciyaartoydan ay kooxda ku soo kordhin doonaan firfircooni, hal-abuur, iyo adkaansho dhanka difaaca ah. Waxaa si gaar ah loola dhacay deggenaanshaha Anderson iyo awoodda baas-bixinta ee Wharton, halka Baleba loo arko mid xoojinaya xawaaraha iyo dhaqdhaqaaqa khadka dhexe.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee ay kooxdu ku doonayso inay dib ugu dhisto awooddeedii tartanka horyaalka Premier League iyo tartammada Yurub.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -