XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Manchester United ayaa u calaamadsatay Benjamin Sesko inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee weerarka suuqa xagaagan, sida ay warinayso The Athletic.
United ayaa durba billowday wada hadallo aan rasmi ahayn oo ku saabsan suurtagalnimada ay ku keeni karaan laacibkan reer Slovenia kooxda ka dhisan Old Trafford.
Sesko, oo 22 jir ah, ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Newcastle United, kuwaasoo laga yaabo inay beddel uga dhigaan Alexander Isak haddii uu ka tago. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Sesko uu doorbidayo Manchester United.
Red Devils ayaa sidoo kale tixgelineysa weeraryahanka kooxda Aston Villa Ollie Watkins, balse Villa ayaa si cad u sheegtay in 29-jirkooda uusan iib ahayn.
Benjamin Sesko, oo qandaraas kula jira RB Leipzig ilaa 2029, ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda haddii lagu dalbado lacag u dhexeysa €80m ilaa €90m, haddii uu u arko kooxdaas mid heer sare ah oo ku habboon horumarkiisa.
Manchester United ayaa horey xagaagan u soo xoojisay weerarka iyagoo la saxiixday Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo, balse waxay u arkaan Sesko xiddiga ugu muhiimsan qorshahooda cusub.

