Magaalada mandheera ee xuduuda Kenya iyo Somalia ku taal waxaa laga soo sheegayaa in saaka dad badan lagu dilay magaaladaasi xili arintu mid beeleed salka uu ku hayo.
Afar ruux oo dhashay beesha Dagoodi ayaa mar la isla dilay taasoo keentay in xiisad ay ka dhalatay lagana cabsi qabo inay aargutaan.
Xildhibaan Bashiir C/laahi oo laga soo doorto degmada Ramu ee Waqooyiga Mandheera ayaa ugu baaqay beesha Dagoodiye ineyan sameyn aargoosi si looga fogaado in dhibatadu sii badato.
“waxaan idinka codsaneynaa inaad ku dhaqaaqin fal aar goosi ah,waan ognahay dad dhintay ma soo laabanayaan,colaadna wax aan dhibaato ah lagama faa’iido”ayuu yiri Xildhibaan Bashiir C/llaahi hadlay oo u waramaayay idaacada star FM Nayroobi.
Sidoo kale wuxuu xasuusiyay beesha dhibaatada la gaarsiiyay in wax kasta ay xal leeyihiin lagana fadhiisin doono sidaas daraadeed aysan uga sii dari.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM