MANIPUR (DAYNIIILE.COM)-Iskahorimaadka qowmiyadeed oo soo bilowday 8 bil ka hor ayaa wali ka taagan Manipur oo ka tirsan Dalka India kaasoo galaaftay nolosha dad badan.

Colaadaan oo laba qowmiyad ka dhex bilaabatay bishii May 2022-kii ayaa sababtay in Dowladu xakameyn la’dahay oo ilaa haatan Gobolkaasi uusan ka jirin wax ganacsi ah ama is dhex gal bulsho ah madaama wali isir naceybku taagan yahay.

Advertisement

Waxaa gabi ahaanba bur burrey ganacsigii ka jirey Manipur ee Hindiya waxayna xiisadaan jiitameysaa in ka badan siddeed bilood oo rabshado isir ah.

Shops remained closed during the violence in Imphal

.Helena Kshetri waxay aragtay iibkeedii midhaha oo meesha ka baxay tan iyo markii iskahorimaad qowmiyadeed uu hareeyay gobolka waqooyi bari ee Hindiya ee Manipur horraantii bishii May.

“Waxaa inta badan nalagu qasbay inaan xirno dukaamada sababo la xiriira bandoowga iyo xiritaanka xitaa bilo rabshado ah ka dib,” ayuu yiri iibiyaha 50-jirka ah, oo ka shaqeeya Ima Keithel, ama Suuqa Hooyada, ee ku yaal caasimadda gobolka Imphal.

Iibkeeda qudaarta ayaa dagaalku ku dul dhacay  iyadoo qarash ahan gashay  30,000-40,000 rupees oo doolar ahaana noqoneysa  ($360-$480).

Helena Kshetri

madaama la xoreeyay qudaartii colaada darteed maalintii waxay qasaareysaa ilaa 4,000 rupees oo doolar ahaan u dhiganta ($48).

“Waxaan ka shaqeystaa  miraha mana hayn karo muddo dheer haddii ay qurunto, way qasaareysaa”ayay tiri haweeneyda qudrada iibin jirtay laakiin colaada qowmiyaduhu ka xireen ganacsigii.

Sida Caadiga ah dhaqanka Hindia ayaa ah inay laamiga qarkiisa ku iibiyaan qudarta kuwoo ugu badan ee aan awoodin inay kireystaan tukaamo.

Ilaa hadda waxaa la dilay ku dhawaad ​​180 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur, waxaana la gubay guryo dhowr ah, goobo ganacsi iyo goobo cibaado iyadoo kumannaan qof ay ku guryo beeleen, kuwaas oo intooda badan u qaxay gobollo kale si ay gabaad u helaan.

Sicir bararka tafaariiqda waxa uu marayaa saqafka sare ee boqolkiiba 11.63 internetkuna waa la xiray muddo aad u badan, taas oo saamaysay ganacsiyada iyo dadka deegaanka.

“Ganacsiga gabi ahaanba wuu burburay oo aad bay u adagtahay in la saadaaliyo goorta xaaladdu caadi noqoneyso “ayuu yiri xoghayaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Manipur oo war-baahinta la hadlay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

IMA Market

Previous articleUS iyo UK oo sheegtay inay drons badan ka soo rideen Xuutiyinta
Next articleKhasaare Dhimasho badan oo ka dhashay Dagaalkii Saaka ka dhacay duleedka Laas-caanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here