HomeWarkiiMaraakiib Dagaal oo Turkigu u soo direy Somalia oo Maanta lagu soo...

Maraakiib Dagaal oo Turkigu u soo direy Somalia oo Maanta lagu soo dhaweeyay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay Dalka Turkey ayaa goor dhaw oo maanta ah gelinka hore waxay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaasoo si weyna loo soo dhaweeyay markii ay ka hortageen masuuliyiin Dowlada Somalia ka tirsan.

Masuuliyiinta soo dhaweysay Maraakiibta waxaa ka mid ah Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Somalia Cumar Cabdi-Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Ibrahin Maxamed Maxamuud,Safiirka Turkiga u jooga Muqdisho, Taliyaha Ciidamada Badda iyo masuuliyiin kale.

Maraakiibtaan waxay ka qeybqaadan doonaan ilaallinta quburada shidaalka baareysa iyo ilaalinta xeebaha Somalia cid kasta oo ku soo xad-gudubta taasoo qeyb ka ahayd iskaashiga dhanka amniga ee labada Dal ay hore u kala saxiixdeen.

Talaabada Dowlada Turkey Maraakiibta dagaalka u keentay Somalia ayaa ku soo aadeysa xili ay maalmo yar ka hor sidaas oo kale u keeneen Muqdisho diyaarado dagaal oo casri ah kuwaasoo sedex ah.

Sidoo kale imaanshiyaha Maraakiibtaan dagaal ee Dalka Turkey ayaa ku soo aadeysa xili Dowlada Somalia ee Madaxweyne Xasan hogaamiyo ay aad xooga u saareyso  dhismaha iyo tayeynya ciidamada kala duwan ee Dalka sida kuwa Badda,dhulka iyo Cirka kuwaasoo dhamaantood ay macquul tahay inay qibrado ka qaataan ciidamada Turkida ee somalia ku soo qulqulaya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -