Maraykanka oo bilaabaya barnaamij la dhaho “Welcome Corps” oo sida Group 5 Canada cml ah, sida ay shalay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Barnaamijkan, wuxuu u shaqeeynayaa sida Group 5 Canada cml, dadka Maraykanka jooga waxay kafaalo qaad “Sponsorship” u sameeyn karaan dadkooda ama saaxiibadood qaxootiga ah ee ku nool qaaradda Afrika iyo iwm.

Barnaamijkan waxaa markii hore dowladda maraykanka kala shaqeeyn jiray hay’addo aan faa’iido doon ahayn (Non-profit organizations) laakiin hadda dowladda ayaa gacanteeda ku wada sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Antony Blinken.

Barnaamijkan waxaa lagu tijaabiyay dadkii ka soo cararay dalalka Afgaanistaan iyo Ukraine, waxaana uu noqday barnaamij guuleystay.

Barnaamijkan wajigiisa koowaad waxaa lagu bilaabayaa 10,000 qof oo Maraykan ah oo ka kafaalo qaad “Sponsorship” u sameeyn doona 5,000 oo qaxooti ah, kadibna tartiib-tartiib ayey dowladu u kordhin tirada qaxootiga iyo dadka kafaalo qaadka sameynaya.

Haddii aadan qaxooti ahayn barnaamijkan wax shaqo iyo shuqul ah kuma lihid.

Xigasho Isaaq Macalin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here