Maraykanka ayaa soo afjaraya taageerada uu siiyo xulafadiisa dagaalka ka wada Yemen, colaaddaas oo gashay sanadkii lixaad ayna ku dhinteen sida la rumaysan yahay dad ka badan 110,000 oo qof.

“Waa in la soo afjaro colaadda Yemen,” ayuu yiri Madaxweyne Joe Biden oo jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee ku aaddan siyaasadda arimaha dibedda ee maamulkiisa.

Labadii Madaxweyne ee xukunka uga horreeyay Biden ayaa taageero u fidin jiray hawlgalka uu Sacuudiga horkacayo ee ka dhanka ah xooggaga Xuutiyiinta Yemen.

Colaaddaas ayaa horseeday in malaayiin shacabka waddankaas ah ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan.

 

Dagaalka u dhexeeya dowladda taagta daran ee Yemen iyo jabhadda Xuutiyiinta ayaa bilowday 2014, waxaana uu sii xoogeystay sanad kadib markii ay xukuumadda gacan ka heshay xulafo 9 dal oo Carab ah, uuna hogaaminayo Sacuudiga, taageerana ka helaya Maraykanka, UK iyo Faransiiska.

Muxuu ka dhigan yahay go’aanka Maraykanka?

Maraykanka ayaa hadda joojin doona taageerada uu siiyo hawlgalka ay xulafadiisa ka wadaan Yemen, gaar ahaan in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta uu ka iibiyo gantaaladda bartilmaameedkooda sida saxda ah u haleela.

Tallaabadan ayaan saameyn doonin hawlgalka ka dhanka ah Al-Qaacidada ku sugan Yemen.

Maamulka Biden ayaa dhawaan hakad geliyay hubka uu waddankiisa ka iibiyo Sacuudiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa inuu Tim Lenderking u magacaabo ergaygiisa cusub ee Yemen. Waa diblomaasi ruug-cadaa ah oo ku takhasusay Bariga Dhexe.

 

Siyaasadda Biden ee ku aaddan Bariga Dhexe ayaa aad uga duwan tii uu qaatay Trump oo taageero buuxa siinayay xulafada uu horkacayo Sacuudiga. Bishii hore, xoghayihii arimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa shaaciyay in Xuutiyiinta ay u aqoonsan doonaan “urur argagixiso”.

Waxa uu sheegay in tallaabadaas looga gol leeyahay in Xuutiyiinta lagula xisaabtamo weerarrada ay ku beegsadaan gudaha Sacuudiga, isla markaana la waabiyo Iran oo taageerta ururkaas.

Hay’adaha samafalka ayaa dhaliilay tallaabada uu shaaciyay Pompeo, iyagoo sheegay inay ka horjoogsan doonto inay ka hawlgalaan deegaannada ururkaas uu gacanta ku hayo oo ay ku nool yihiin malaayiin qof oo ku tiirsan gargaarka bani’aadannimo.

Todobaadkii la soo dhaafay, maamulka Biden ayaa sheegay in cunaqabateynta aanay saameyn doonin waxyaabaha qaar in lagala shaqeeyo Xuutiyiinta, balse khafiifintaas ayaa ku eg 26-ka bishan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Yemen ay ka taagan tahay xaalad bani’aadannimo tan ugu xun caalamka, iyadoo 80% dadka waddankaas ay u baahan yihiin gargaar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here