XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii hore ee Real Madrid, Marcelo, ayaa sheegay in Pedri uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee uu ka qaadan lahaa Barcelona haddii fursad uu u heli lahaa.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa yiri: “Hadda, waxaan Real Madrid keeni lahaa Pedri. Wuxuu leeyahay qaar ka mid ah astaamaha ciyaaryahan Real Madrid ah. Dad badan waxay oran lahaayeen Lamine, balse aniga waxaan u arkaa in Pedri uu noqon lahaa saxiix ka wanaagsan.”
Pedri, oo 23 jir ah, ayaa si degdeg ah u noqday mid ka mid ah khadadka dhexe ee ugu fiican Barcelona, isagoo caan ku ah joogtayntiisa, xakamaynta kubadda iyo hal-abuurka uu ku leeyahay ciyaarta.
Waxaa si weyn loo tixgeliyaa inuu ka mid yahay khadadka dhexe ee ugu sarreeya dunida waqtigan, islamarkaana uu si fudud uga dhex muuqan karo safka koowaad ee koox kasta.
Haddii uu ku biiro koox sida Real Madrid ah, tayada Pedri ayaa la rumeysan yahay inay u keeni lahayd xakamayn dheeri ah iyo hal-abuur badan oo dhanka khadka dhexe ah.
XIGASHO LAACIB.NET
