HomeCiyaarahaMarcus Rashford oo barbarreeyay Rikoodh weyn oo uu horay u dhigay Lionel...

Marcus Rashford oo barbarreeyay Rikoodh weyn oo uu horay u dhigay Lionel Messi

XIGASHO LAACIB.NETWeeraryahanka Barcelona, Marcus Rashford, ayaa barbarreeyay rikoor cajiib ah oo uu horey u dhigay halyeeyga kooxdaas, Lionel Messi, kaddib markii uu labo gool ka dhaliyay Newcastle United kulankii UEFA Champions League.

Rashford ayaa labo gool u dhaliyay Barcelona kulankii Khamiistii ka dhacay garoonka St. James’ Park, taasoo keentay in kooxda reer Spain ay 2-1 guul ah ka gaarto Newcastle.

Intii lagu guda jiray ciyaartaas, Rashford wuxuu sameeyay tiro rikoor ah:

6 kubbadood oo uu goolka si toos ah ugu bartilmaameed saday.

10 taabasho oo uu ku sameeyay gudaha xerada ganaaxa Newcastle,

5 laad oo uu sameeyay isagoo kubadda la ordaya.

Sida ay sheegtay shirkadda tirakoobka ciyaaraha ee Opta, lama arkin ciyaaryahan Barcelona ah oo sameeyay waxqabad la mid ah kan Rashford tan iyo Lionel Messi sanadkii 2015.

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa amaan u jeediyay Rashford kaddib ciyaarta, isagoo sheegay in bandhiggiisu uu ahaa tallaabadii ugu horreysay ee saxda ah.

“Waa bilow wanaagsan oo ka tarjumaya waxa uu Rashford kusoo kordhin karo kooxda,” ayuu Flick ku yiri wareysi ciyaarta kaddib.

Marcus Rashford ayaa haatan amaah ugu ciyaaraya Barcelona, isagoo ka yimid kooxda Premier League-ga ah ee Manchester United suuqii xagaaga.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -