XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ayaa mar kale xaqiijiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro kooxda Barcelona, sida ay sheegtay warbixin cusub oo kasoo baxday Marca.
Xiddigan reer England ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhimo mushaharkiisa si uu ugu suurageliyo kooxda reer Spain inay la saxiixato.
Sida laga soo xigtay warbixinta, Rashford ayaa si cad ugu sheegay saaxiibadiis iyo dadka ku dhow dhow “marar badan” inuu doonayo inuu ku biiro Barcelona. Waxaa intaa dheer, laacibka ayaa la sheegay inuu si toos ah ula xiriiray maamulka Barca si uu ugu cadeeyo rabitaankiisa.
Barcelona waxay hadda xooga saareysaa raadinta saxiixa midkood Luis Diaz ama Nico Williams, oo ah labada ciyaaryahan ee ay doorbidayaan madaxda kooxda.
Si kastaba, go’aanka kama dambaysta ah weli lama gaarin, waxaana suuragal ah in Rashford uu noqdo xulashada ugu dambeysa haddii Barcelona ku guulaysan weydo bartilmaameedyadooda kale.
Rashford oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku dhameystay xaalad aan degganeyn oo uu ku waayay boos joogto ah, wuxuu u arkaa Barca fursad uu dib ugu soo ceshan karo heerkiisii ugu sarreeyay.