HomeWarkiiMareykanka iyo Iran oo midba kan kale doonayo inuu cadaadiyo aqbalida ...

Mareykanka iyo Iran oo midba kan kale doonayo inuu cadaadiyo aqbalida dalabaadka dhinaca kale

Mareykanka iyo Iran labaduba waxay daneynayaan inay dhinaca kale ku qasbaan inuu dib u gurto inta lagu guda jiro marxaladda hadda jirta ee iska horimaadka, sida uu sheegay Sina Azodi, oo ah bare-caawiye (assistant professor) dhanka siyaasadda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda George Washington.

“Waxaan oran lahaa waxaa jira laba hadaf oo isku xiran. Midda koowaad, iyagoo sii xoojinaya xiisadda, dhinac kasta wuxuu isku dayayaa inuu kan kale ku qasbo inuu marka hore dabco oo uu aqbalo dalabaadka dhinaca kale,” ayuu yiri Azodi.,

“Dhinaca Mareykanka wuxuu doonayaa inay Iiraan ku soo laabato miiska wadahadalka oo ay aqbasho dalabaadka Mareykanka. Dhinaca Iiraanna, waxay doonayaan in Mareykanka uu marka hore qaado xayiraadda, isla markaana si buuxda u fuliyo heshiiskii horudhaca ahaa (MoU) ee la gaaray,” ayuu raaciyay.

“Waxaanan u maleynayaa in hadafka labaad uu yahay in la muujiyo inaysan ka laabanayn mowqifyadooda,” ayuu Azodi u sheegay Al Jazeera. “Waxay sii adkeynayaan mowqifyadooda, taasina, mar kale, waa tallaabo loogu talagalay in lagu qasbo dhinaca kale inuu tanaasulo.”

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -