HomeWarkiiMareykanka iyo Israa'iil oo Saaka iyo xalay weeraro culus ku qaaday Caasimada...

Mareykanka iyo Israa’iil oo Saaka iyo xalay weeraro culus ku qaaday Caasimada Iiran

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa Xalay iyo Saaka waxay weeraro culus oo xaga cirka ah ku qaadeen Magaalada Caasimada u ah Iiran ee Tehran taasoo qeyb ka ahayd dagaalkii awalba ka dhex socday dhinacyadaasi ,garoonka diyaaradaha Tehran ayay si gaar ah u bartilmaameedsadeen.

Muuqaalio ay warbaahintu ka soo tabiyeen weerarada lagu qaaday koonfurta magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan ayaa muujinaya dab xoogan oo ka kacaya meelaha la weeraray oo garoonka diyaaradaha uu ka mid yahay walow khasaaraha nafeed iyo mida hantiyeedba aan wali faah-faahin laga soo saarin.

Iiran ayaa laftigeeda weeraro kaga jawaabtay kuwaasoo ay ku qaaday Magaalada xarunta u ah Yuhuuda  ee Talaabiid sidii awalba caadada u ahayd,sidoo kale Iiran waxay gantaalo u qerybisay dalal carbeed sida Imaaraadka iyo Kuweyt oo saldhigo Milateri ay ku leeyihiin Mareykanku.

Dhanka kale Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu Iiran ka caawinayo  bartilmaameedyada saldhigyada Milateri ee Mareykanku ku leeyahay qaar ka mid ah dalalka Carabta,Mareykanka waxay xuseen in Ruushku siiyo Iiraan Xog sir ah oo ku saabsan goobaha ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Bariga Dhexe.

Ilo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Ruushku uu siinayo Iiraan xog sir ah oo ku saabsan saldhigyada Milateri ee Mareykanku ku leeyahay Dalalka Carabta.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -