WASHINGTON (DAYNIILE.COM)- Aaron Bushnell oo Askari Mareykan 25 jir ah ayaa isku hor gubay Safaarada Isra’il ku leedahay dalka Mareykanka gaar ahaan caasimadiisa Washington, DC isagoo doonayay in dunidu ogaato in aanu taageersanayn doorka Maraykanka ee dagaalka iyo xasuuqa Israel ku heyso Gaza.

Isbitaalka ayuu ku dhintay markii isagoo naftu ku jirto laga qaaday halkii uu isku gubay ee safaarada Israa’iil ee Mareykanka ku taal.

Advertisement

Askarigaan ereyada uu adeegsanayay markii uu is dilaayay waxaa ka mida “Anigu kuma lug lahaan doono xasuuqa reer Gaza”

Dadkii ku sugnaa halka dibad baxu ka dhacayay islamarkaana uu isku gubaayay askarigaan ayaa sheegay in ereygii afkiisa ugu danbeeyay markuu dhimanaayay ay ahayd  “Falastiin xor ah”.

Bushnell wuxuu isku sharaxay Linkedin inuu yahay “injineer software ah” oo ka yimid San Antonio, Texas.

Askarigaan is dilay Waxa uu ka soo shaqeeyay kana tirsanaa Ciidanka Cirka ee Maraykanka laga soo bilaabo May 2020 ilaa dhimashadiisa.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa ku tilmaamay geerida Bushnell inay tahay dhacdo naxdin leh balse wuxuu xaqiijiyay in taageerada Mareykanka ee Israa’iil ay tahay lama taab-taan.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Self-immolation of Aaron Bushnell - Wikipedia

Image

Previous articleWararkii ugu danbeeyay Xaalada Gaza iyo tirada dhimashada halka ay mareyso
Next articleShir dhex-maray Taliska Ciidamada Xoogga Dalka iyo ATMIS+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here