MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Mareykanka ayaa looga hadlay diyaarad heylakobtar ahayd oo ay lahaayeen ciidamada Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM taasoo saaka ku soo dhacday Magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha.
Warkaan oo si gaar ah ay usoo saartay Safaarada Mareykanka ay ku leeedahay Magaalada Muqdisho ayay ugu horeyn ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin shilka ay gashay diyaaradaasi Milateri ee Ciidamada Uganda.
Safiirka Mareykanka wuxuu sheegay inay uga tacsiyeynayaan ehalada ay askarta ku dhimatay shilkaasi markii diyaarada oo siday hub ay ciladi ku timid kadibna ay qaraxday soona dhacday xili ay markaasi dul mareysay dusha sare ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
“waxaan tacsi u direynaa geesiyaasha geeriyooday iyagoo wata howlahooda shaqo,sidoo kale waxaan caafimaad u rajeyneynaa kuwa dhaawacyada qaba”ayuu yiri safiirka
Danjiraha wuxuu sidoo kale warbixintiisa ku daray inay Marekan ahaan garab taagan yihiin ciidamada Midowga Arika iyo Soomaalida kuwaasoo ku wada jira xili adag iyo dagaalo ka dhan ah Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
