Washington (day niiile.com)-War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in 5Milyan doolar la siin doono qofkii abaar ka keena Abuukar Cali Aadan oo ka mida madaxda Alshabaab.
Mareykanka waxay sheegeen in Abuukar Cali Aadan uu Alshabaab ka yahay ninka labaad ee ugu sareeya dagaalyahanada Alshabaab islamarkana uu sanadihii ugu danbeeyay soo hayay xilkaan.
“$5 milyan ayaa la siinayaa qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsada Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha Alshabaab”ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka
Dhanka kale Warbixintaan waxay ku sheegeen in qarashkii hore loo saaray madaxooda la kordhiyay labada hogaamiye ee kala ah Axmed Diiriye iyo Mahad Karate oo Maraykanku sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo dollar.
XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM