War ka soo baxay Dowlada Mareykanka ayaa lagu shaaciyay balan qaad lacacageed oo diyaar ula yihiin cid kasta oo keenta xogta lagu qaban karo C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ay baadi goobayaan kaasoo sawirkiisana ay shaaciyeen.
Ninkaan oo ku magac dheer Ikrima ayay Mareykanku ku eedeeyeen inuu ka danbeeyay weerar argagaxiso ee ka dhacay Dalka Uganda gaar ahaan caasimadooda Kampala bishii Luulyo 2010.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo balan qaadkaani fidisay ayaa tilmaamtay in kooxda weerarkaani fulisay ay ka tirsan yihiin Alshabaab islamarkaana ay beegsadeen dad shacaba oo daawanayay fiinaalka koobkii kubada cagta aduunka ee 11-kii Luulyo sanadkii 2010-kii.
Mareykanka waxay sidoo kale sheegaan Ikrima uu lahaa doorka ugu weyn marka la eego qorsheynta iyo hagidda weeraro uu ka mid ahaa midka ka dhacay Magaalada Kampala.
Weerarkaan Alshabaab ay ka geysteen Magaalada Kampala waxaa ku dhintay 76 ruux oo uu ku jirey muwaadin u dhashay dalka Mareykanka, wuxuu u ahaa alshabaab weerarkoodii ugu horeeyay oo ay ka fuliyaan meel ka baxsan Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
