TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay qaadeen duqeymo xiriir ah oo habeenkii lixaad ka dhacaya gudaha Iran sida goor dhaw lagh shaaciyay Warbaahina Aljazeera.
Warbaahinta Madaxa banaan ayaa sheegeysa in Caawa Mareykanku aad u duqeynayo goobaha istaraatiijiga u ah Iran gaar ahaan Kaabayaasha dhaqaalaha.
Dhanka Warbaahina Iran ayaa iyagu waxay soo warinayaan gantaalo ku dhacay meelo ay ka mid yihiin Bandar Abbas, Ahvaz iyo Iranshahr.
Meelaha Mareykanku caawa bartilmaameedsanayo waxaa ka mid ah wadooyinka isku xira magaalooyinka leh Dekadaha,meelaha la soo wariyay waxaa ka mid ah buundooyin iyagana isku xira magaalooyin mujiim ah.
Ciidamada Iran ayaa ka digay in “dhammaan kaabayaasha gobolka ay ku burburin doonaan weerarro xooggan oo ay qaadi doonaan haddii Mareykanku uu fuliyo hanjabaaddiisa ku aaddan inuu weeraro goobaha rayidka ee Iran.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
