HomeWarkiiMareykanka oo cadaadis ku saaraya Madaxweyne Xassan inuu la heshiiyo dhinacyada Somalia...

Mareykanka oo cadaadis ku saaraya Madaxweyne Xassan inuu la heshiiyo dhinacyada Somalia ee mucaaradka ku ah

Kadib kulan New York ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo La-taliyaha-sare ee Mareykanka ee Arrimaha Afrika ayaa Dowlada Somalia loogu baaqay minimo ku wajahdo siyaasadeedeeda dhanka arimaha gudaha Somalia iyo mida la dagaalanka alshabaab intaba.

Mareykanka wuxuu u muuqdaa inuu Dowlada Somalia cadaadis ku saarayo  siyaasad midnimo ku dheehan sida inuu la heshiiyo dhinacyada ka soo horjeeda ee mucaaradka iyo maamul Goboleedyada si ay u sahlanaato in Mareykanku ka caawiyo Somalia  dhinacyada siyaasada ,amniga iyo dhaqaalaha.

Cadaadiska saaran Madaxweyne Xassan ayaa laga dareemayaa isku dayadiisa uu hore marar dhowr isku dayay inuu afkaartiisa siyaasadeed ka gado siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida kuwa musharixiinta ee kala ah Xasan Cali Kheyre,Shariif, C/raxmaan C/shukur,Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Cadaadiska waxaa ka mid ah inuu la heshiiyo maamulada Somaliland,Jubaland iyo Puntland walow xaalada gobolada waqooyi ee gooni u goosadka ay ka adag tahay tan Jubaland iyo Puntland.

Qoraalka uu soo dhigay Ex.Twiter oo hada loo yaqaan X  La-taliyaha-sare ee Mareykanka ee Arrimaha Afrika wuxuu ku soo koobay inuu Madaxweyne Xassan ku helay fursad uu kula kulmo islamarkaana uu kala hadlay midnimada Somalia.

“Waxaan ka wada hadalnay muhiimadda ay midnimada siyaasadeed u leedahay la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga amniga ee ilaalinaya danaha Soomaalida iyo Maraykanka.”ayuu yiri

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of 3 people and text that says "U.S. Senior Advisor for Africa @US_SrAdvisorAF X.com A valuable opportunity to meet with Somali President @HassanSMohamud We discussed the importance of political unity for fighting terrorism and strengthening security partnerships that protect both Somali and American interests. Massad Boulos UnitedStatesSeniorAdvisor United States Senior Advisor President Hassan Sheikh Mohamud President of the Federal Republic PhesidentofiheeRep f fSomalia"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -