Nairobi (dayniiile,com)-Sida BBC-du sheegtay  safaarada Dawladda Maraykanka ee Kenya ayaa soo saartay digniin la xariirta weeraro Ashabaab kaga yimaada muwaadiniintooda Mareykanka ee ku sugan Magaalada Nayirobi.

Digniinta ka soo baxday Safaarada Mareykanka waxaa si gaar ah loogu tilmaamay Goobaha ay dagan yihiin ama ku sugan yihiin dalxiisayaasha u dhashay Maraykanka.

Advertisement

Goobaha ajaanibta caalamka isugu timaado ayay sidoo kale digniintu xuseysaa inay tahay inay ka fogaadaan muwaadiniinta Mareykanka.

Dowlada Mareykanka waxay kula taliyeen dadkooda inay taxadaraan islamarkaana  ka fogaadaan goobaha bulshadu isugu timaado oo ah meelaha lagu bartilmaameedsan karo.

Warkaan Mareykanka ka soo baxay wuxuu daba socday war sidaan oo kale Kenya uga soo baxay iyagoona si wada jira digniintoodu u cabirtay in Alshabaab doonayaan inay fuliyaan weeraro ay ku taageerayaan Dagaalyahanada reer Falastiin ee Xamaas.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHooyo Cunugii ay dhashay ku tuurtay Musqul Magaalada Hargeysa
Next articleWasiirada Ganacsiga Somalia iyo Turkey oo ka wada haleen heshiisyo hore loo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here