HomeWarkiiMareykanka oo digniin cusub ka soo saaray qorshe qarsoodi ah oo ay...

Mareykanka oo digniin cusub ka soo saaray qorshe qarsoodi ah oo ay Dagaal-yahanada Xamas damacsan yihiin

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Mareykanka ayaa digniin looga soo saaray qorshe qarsoodi ah oo ay sheegeen inay damac yihiin Dagaal-yahanada Xamas ee reer Falastiin xili shacabka marinka Gaza ay hada ku naaloonayaan xabad joojinta iyo heshiiska laga gaaray dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas.

Warkaan oo si gaar ah uga soo baxay  Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheeciyay inay heleen xog sida ay sheegeen ay ku kalsoon yihiin oo tilmaameysa in Xamaas qorsheyneyso weeraro ay u geystaa wax uu Marekanku ku sheegay shacabka reer Qaza.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka waxay ka digeen in talaabadaasi Xamaas damacsan tahay hadii ay qaadaan inuu jabinayo heshiiskii xabbad-joointa.

“waxay noqoneysaa ku xadgudub toos ah oo halis weyn ku ah xabbad-joojinta, isla markaana uu waxyeello u geysan doono horumarka weyn ee laga gaaray dadaallada dhexdhexaadinta” ayaa lagu yiri bayaankaasi ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo BBC-du soo xigatay.

Warbixinta arrimaha dibadda ee Maraykanka laguma sheegin shacabka la weerarayo waxay ula jeedaan waxaase loo maleynayaa inay ula jeedaan maleeshiyaadkii Israa’iil taageeri jirtay oo Xamaas iyo shacabka reer Qaza dhamaantood neceb yihiin madaama ay Yuhuuda daba dhaliyo u ahaayeen islamarkaana ka garab dagaalama xili dadkoodii gantaalo xaga cirka ah lagu xasuuqayo.

Dhanka kale Digniintaan ka soo baxday Mareykanka waxay ku soo aadeysaa xili uu meel wanaagsan marayo wajiga koowaad heshiiska xabbad joojinta ee Xamaas iyo Israa’iil xili dhamaan la sii daayay maxaabiistii la kala heystay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -