Howlgal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ayaa la soo sheegayaa inay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-qaacida kaasoo ay hore u baadi goobayeen.
Wararka ayaa tilmaamaya in Hogaamiyaha la dilay uu hore u dilay 3 askarta Mareykanka ka mid ahaa,sidoo kale sarkaalkaan la dilay wuxuu xiriri la lahaa Daacish ama ISIS, waxaana magaciisa la oran jirey Bilal Hassan al-Jassim.
Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) Weerarku ayaa ka dhacay waqooyi-galbeed dalka Suuriya.
Dhanka ASIS ama Al-qaacida midkoodna war rasmi ah wali kama soo saarin hogaamiyahaan Mareykanku sheegeen inay dileen markii ay adeegsadeen diyaaradaha dagaalka dalkaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
