AWDHEEGLE (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeymo ka fuliyeen saacadihii ugu danbeeyay nawaaxiga Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose oo dhawaan Alshabaab laga saaray.
Warka Mareykanka ayaa intaasi ku sii daraya in gantaaladooda ay la dheceen meel ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Alshabaab islamarkaana ay duqeymahaani ku taageerayaan ciidamada Uganda iyo Somalida ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Mareykanka ma sheegin hadii ay jiran khasaare ay Alshabaab ku gaarsiiyeen duqeymahaan cusub, kaliya inay fuliyeen ayay warbixintooda ku shaaciyeen,sidoo kale Dowlada Somalia wali kama hadlin.
Duqeymahaan ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Midowga Afrka iyo milateriga Somalia isku diyaarinayaan inay alshabaab ka saaraan Degmada ay aadka ugu xoogan yihiin ee Awdheegle lamana oga in ujeedka duqeymahaani arintasi la xiriiro madaama halka la duqeeyay iyo Bariire labaduba hoos tagaan Degmada Awdheegle.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
