HomeWarkiiMareykanka oo duqeymo ka gaystay buuraha Cal-miskaad ee Puntland

Mareykanka oo duqeymo ka gaystay buuraha Cal-miskaad ee Puntland

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo waxay ka fuliyeen buuraha Calmis-kaad ee Puntland halkaasoo ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalamayasha kooxda Daacish.

Drons-ka Mareykanka waxay beesadeen godad kuyaalla togga Baallade oo dhinaca koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso.

Sidoo kale wararka laga helaayo weerarkaani waxay tilmaamayaan in si gaar ah weerarka lagu bartilmaameedsanayay Saraakiil sarsare oo katirsan Daacish xili dhanka dhulkana ay ka ugaarsanayaan ciidamada daraawiishta Puntland.

Saraakiisha la bartilmaameedaday waxaa ka mid ah  Cabdiraxmaan Faahiye oo ah hogaamiyaha Daacish walow masuuliyiinta Puntland waali war cad ka soo saaray hadii weerarka wax ku gaareen saraakiisha la weeraray iyo hadii ay ka bad-baadeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -