CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa xalay duqeymo xoogan waxay ka u geysteen dagaalamayaasha Daacish ee ka dagaalamaya buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari Puntland.
Duqeymaha ayaa si gaar ah loola eegtay fariisimo iyo goobo ay Daacish ku dhumaaleysanayeen walina Puntland wax fah faahin ah kama bixin khasaaraha gaaray kooxda Daacish.
Godad ay dhufeysyo ka dhigteen ayaa la soo sheegayaa inay ku gabanayeen markii la duqeynayay iyadoo la rumeysan yahay in saraakiil sar sare oo Soomaali iyo ajaanib isugu jira inay duqeymuhu ku dhaceen.
Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa dhanka dhulka wali ka wada dagaalka ay doonayaa inay Daacish kaga saaraan guud ahaan buuraleyda Gobolka Bari xili inta badan ay ka soo saareen.
XAFIISKAÂ WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
