HomeWarkiiMareykanka oo galay dagaalka,weerarna ku qaaday xarumaha nuyukleerka Iiraan

Mareykanka oo galay dagaalka,weerarna ku qaaday xarumaha nuyukleerka Iiraan

May be an image of aircraftTEHRN (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha casriga ah ee Mareykanka ayaa xalay saqdii dhexe waxay galeen dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil waxayna bambooyin culus ku garaaceen xarumaha nuyukleerka dalka iiraan ee Fardow.

Wararka ayaa tilmaamaya in Mareykanku duqeeyay ilaa sedex goobood oo diyaaradahooda casriga ah ay bambooyin ku dhufteen taasoo aan wali wax faahfaahin laga bixin.

Durba war ka soo baxay Dowlada Iiran ayay ku shaaciyeen inay ka aar goosan doonaan Mareykanka.

Sidoo kale Dowlada Iiraan waxay shaacisay inay bartilmaameedsan doonto goob walba oo uu Mareykan saldhigyo ku leeyahay, waxaana mida Dalalka Muslimiinta sida Djibouti, Sacuudi, Kuwait, UAE iyo Jordan.

Dhanka kale waxaa laga yaabaa in talaabada Mareykanku qaaday ay dunida geliso dagaalo saf balaaran oo aakhirka isku badala dagaalka 3-aad ee dunida.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 2 people and text that says "U.S. enters war with Iran, bombing key nuclear sites President Donald Trump authorizes attack after long vowing to avoid "forever wars." MEЖИC ATAGAIN"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -