Gobolka Alaska ee Mareykanka ayaa sanad walba October 18 u dabaal dega, Maalinta Alaska, oo ah maalinta dhulkan laga soo wareejiyay Ruushka ee loona soo wareejiyay Mareykanka sanadkii 1867, kaddib markii Washington ay Moscow uga iibsatay $7.2 milyan. Maxay tahay sheekada Alaska?

Alaska wuxuu ku yaallaa waqooyi-galbeed dhanka fog ee qaaradda Waqooyiga Ameerika, wuxuuna dhanka bari xad la wadaagaa Canada, taas oo ka xireysa qeybaha kale ee Mareykanka, dhanka waqooyina wuxuu xad la leeyahay Badda Arctic, halka koofur iyo galbeedna uu xad la wadaago Badda Baasiifigga.

Alaska waa gobolka ugu weyn Mareykanka marka la eego baaxad ahaan, wuxuuna ku fadhiyaa dhul qiyaastii 1.7 milyan oo kilo mitir isku wareeg ah wuxuuna leeyahay jasiirado badan, oo ay ka mid yihiin kuwo foolkaaniko ah, balse waa mid ka mid ah kuwa ugu bulshada yar waxaana ku nool ilaa 700,000 oo qof.

Waxaa la sheegay in dadku ay Alaska ku noolaayeen 10,000 oo sano dhalashada nabi Ciise kahor. Xilligaas, waxaa jiray dhul ku teedsan Siberia ilaa bariga Alaska, oo ay muhaajiirintu xoolo ku daaqsan jireen.

 

Muhaajiirintaas waxaa ka mid ah, Athabaskan, Aleut, Inuit, Yupik, Tlingit, iyo Haida oo weli ku nool Alaska.

Gacan ku heynta gobolka ee Ruushka

Ilaa horraantii 1700, dadka asal ahaan degganaa Siberia ayaa qabay inuu jiro dhul ballaaran oo bariga dalkaas ku yaalla.

 

Sanadkii 1728, guddi uu u saaray Tsar Peter I ee Ruushka oo uu hoggaaminayay Vitus Behring, oo Denmark u dhashay, ayaa go’aansaday in dhulka cusub uusan ku xirneyn dhulweynaha Ruushka, balse aanan sidoo kale la calaamaden karin Waqooyiga Ameerika.

Sidii uu Mareykanku ula wareegay Alaska

Cawaaqib-xumadii ka dhalatay Dagaalkii Crimea (1853-1856) ayaa ahaa waxyaabihii Ruushka ku kallifay inay Alaska ka iibiyaan Mareykanka.

Xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka William Seward ayaa horkacayay iibsashada dhulka wuxuuna heshiis gorgortan ah la galay Ruushka.

Kaddib diidmo badan oo arrintaas ka timid, Kongareeska Mareykanka ayaa oggolaaday soo jeedintii Seward ee ahayd $7.2 milyan, iyadoo October 18, 1867, calankii Mareykanka laga taagay, caasimadda Alaska ee Sitka (oo markii dambe loo beddelay Juneau).

 

Dadka heshiiskan cambaareeyay ayaa iibsashadii Alaska ku sheegay mid aan loo baahneyn, iyadoo sheegay in dhulkaasi uusan lahayn wax lagu doorto.

Alaska waxaa maamulayay hoggaamiyeyaasha militariga ee Waaxda Dagaalka ilaa 1877.

Sanadahaas waxaa horumar badan oo gudaha ah ma jirin, balse shirkadda kalluunka ee la dhisay sanadkii 1878 ayaa noqotay tii ugu weyneyd caalamka.

Tan iyo qarnigii 19-aad, Alaska waxay gashay xaalad barwaaqo ah iyadoo dahab badanna laga soo saari jiray.

Shidaalka iyo gaaska

Shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaray Gacanka Kenai sanadihii 1950-meeyadii ayaa waxaa ka dhashay in la aasaaso sanadihii 1970-meeyadii shirkadda ugu weyn ee macdan qodidda ee gobolku uu yeesho.

Xaaladaha dhaqaale ee gobolka ayaa is beddelay sanadkii 1968, markii goob shidaalka laga qodo la helay, iyadoo shidaalka ku jira lagu qiyaasay 13 bilyan oo barmiil. Goobtan waxay ku taallaa Prudhoe Bay waqooyiga gobolka.

Waxay durba xaruntas isku beddeshay goob faa’iido laga soo saaro: Dakhliga gobolka ee sanadkii 1969 ayaa gaaray $900 milyan.

Xaqiiqooyin ku saabsan Alaska

  • Alaska waa gobolka ugu weyn Mareykanka (shan meelood meel ayuu ka yahay gebi ahaan Mareykanka waana labo jibbaar cabbirka gobolka Texas).
  • Juneau, caasimadda gobolka, wax xiriir ah lama aha qeybaha kale ee gobolka, waana caaismadda keliya ee Mareykanka ee keliya lagu tagi karo doon ama diyaarad
  • Waxay leedahay in ka badan 3,000 oo webiyo iyo harooyin waaweyn, tan ugu weyn waa Harada Iliamna oo qiyaastii ah 1,000 meyl oo isku wareeg ah.
  • Harada Hood ee Anchorage waa tan ugu wyen uguna mashquulka badan dunida.
  • 17 ka mid ah 20-ka buur ee ugu dhaadher Mareykanka waxay ku yaallaan Alaska.
  • Alaska waxay leedahay in ka badan 100 foolkaano.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here