HomeWarkiiMareykanka oo hakiyay dhaqaalihi uu siin jirey Dowlada Somalia

Mareykanka oo hakiyay dhaqaalihi uu siin jirey Dowlada Somalia

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa kagu shaaciyay ina joojiyeen gabi ahaanba gargaarkii Mareykanka uu siin jiray dowladda Soomaaliya taasoo ka danbeysay kadib boob loo geystay bakaaro ay ku jireen raashin gar-gaar oo Dowladu gacanta ku heysay .

Sida warbixintii xalay aan idinkula wadaagnay bakhaar raashin gar gaar ku jirey ayaa la jabsaday Magaalada Muqdisho waxaana lagala baxay 76 metric tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed tabaaleysan ee Soomaaliya,Bakhaarka Raashinkaan uu ku jirey waxaa lahaa  Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) .

“Mareykanku uma dulqaadan karo xatooyo, iyo boobka gar-gaarka shacabka loogu talogalay ” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Mareykanka

Dowlada Soomaaliya dhankeeda wali kama hadlin oo sharaxaad kama bixin muuqaalka baraha bulshada lagu shaaciyay ee muujinaya bakhaarada raashinka Gar-gaarka ee sida ku talagalka ah loo burburinayo iyadoo loo adeegsaday Katarabiil taasoo u muuqa arin Dowladu wax ka ogtahay markii maalin cad la jabsanayo bakhaarka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -