HomeWarkiiMareykanka oo howlgal dhulka ah ku laayay saraakiil ka tirsanaa Daacish-ta ka...

Mareykanka oo howlgal dhulka ah ku laayay saraakiil ka tirsanaa Daacish-ta ka dagaalanta Puntland

CALMISKAAD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga heelayo Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada ARICOM ee ka howlgala Arika ay howlgal gaar ah ka fuliyeen buuraleyda Calmiskaad halkaasoo ay in mudo ahba isku hayeen Dagaalamayaasha Daacish iyo Ciidamada Maamulka Puntland.

Howlgalkaan oo isugu jira mid cir iyo dhul ah ayay si gaar ah Mareykanku uga fuliyeen togga Baalade ee buuraleyda Calmiskaad, waxayna ku beegsadeen saraakiil sare oo ka tirsan  dagaalamayaasha Daacish.

“Hawlgal Cir iyo Dhul ah, oo ay fuliyeen saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya Hawlgalka, ayaa lagu beegsaday bartilmaameedyo sarsarre oo ka tirsan Argagixisada Daacish” ayaa lagu war ay baraha bulshada ku shaaciyeen Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland .

Inkastoo Mareykanka iyo Maamulka Puntland aysan bixin faahftaahin ku saabsan howlgalkaasi ayaa hadana warar madax banaan oo la helayo waxay sheegayaan in Mareykanku howlgalka ku dileen qaar ka mid saraakisih Daacish ee aawalba ay bartilmaameedsanayeen.

Wararkaaan ayaa intaasi ku daraya in Mareykanku hore u qaateen meydadka qaar ka mid ah dagaalamayaasha ay dileen walow Puntland iyo saraakiisha Mareyka ka gaabsadeen inay ka hadlaan howlgalkooda, kaliya waxay ku soo koobeen in howlgalkaani yahay mid qaas ah oo lagu beegsanayay xubno sar sare oo Daacish ka tirsan.

Si kastaba Ciidamada Mareykanka waa markii labaad oo ay dhulka u soo degaan kana dagaalamaan buuraha Calmiskaad, waxayna sidaan oo kale hore dhulka howlgal uga sameyeen bishii  July ee sanadkan markaasoo ay nolosha ku qabteen C/weli Maxamed Aw Yuusuf (Cabdiweli Walalac) oo ahaa madaxii maaliyadda Daacish sidoo kalana ahaa wakiilka u qaabilsan ajaaniibta.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -