Ku-xigeenka barasaabka ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof lagu dilay weerar Mareykanku ku qaaday magaalada Sirik ee dalka Iran.
Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in weerarro uu Mareykanku ka fuliyay koonfurta dalka Iran ay dileen ugu yaraan laba qof, tiro kalena ay ku dhaawaceen xaflad aroos oo ka dhacday buuraha ku hareeraysan magaalada xeebta ku taal ee Sirik.
Wakaaladda wararka ee Fars, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guard), ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka degdegga ah ay weli ka hawlgalayaan goobta, iyadoo soo xiganaysa ku-xigeenka barasaabka gobolka Hormozgan ee dhanka amniga.
Dhanka kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay inay weerar gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku qaadeen xero ciidan oo ay leeyihiin Marines-ka Mareykanka oo ku taal Camp Titin, taas oo ah goob militari oo u dhow Gacanka Aqaba ee dalka Urdun.
Warsaxaafadeed uu baahiyay telefishinka dowladda Iran ee IRIB, ayay IRGC ku sheegtay inay dishay tiro badan oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, isla markaana ay burburisay “dhowr xarumood iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee cadawga” ee ku sugnaa xeradaas. IRGC waxay sheegtay inay sii wadi doonto tallaabooyinka aargoosiga ah ee ka dhanka ah weerarrada Mareykanka uu ka geystay koonfurta Iran.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
