HomeWarkiiMareykanka oo ka hadlay duqeymo ay ka fuliyeen buuraha Cal-miskaad

Mareykanka oo ka hadlay duqeymo ay ka fuliyeen buuraha Cal-miskaad

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxay howlgal duqeyn ka fuliyeen buuraha Cal-miskaad Gobolka Bari ee Maamulka Puntland waxaana durba ka hadlay oo war ka soo saaray Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).

Taliska Africom wuxuu saxaafada u sheegay inay duqeymaha ka gaysteen togga Baallade oo ka tirsan buuraha Cal-miskaad islamarkana ay la eegteen dagaalamayaal ka tirsan Daacish-ta halkaasi ka dagaalanta, Mareykanku ma bixin faah faahin intaasi ka badan waana qorshe u degsan inaysan shaacin hadiiba khasaare ay gaarsiiyeen Daacish.

Inkastoo dhowr bilood dagaal socday ay ciidamada Maamulka Puntland guulo badan ka gaareen weerarka ay ku qaadeen Kooxda Daacish islamarkaana deegaano badan ay ka saareen , dagaalamayaal badan ka dileen hadana waxaa muuqaneysa in wali Daacish dagaalameyso oo aan la soo afjarin waliba buuraha ay dhinac wali kaga sugan yihiin.

Warar ku dhaw dhaw Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sheegaya inay firxadka dacish ku dhuumaaleysanayaan aagag dhinaca Koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso halkaasoo ay ku hareereysan yihiin ciidamada Puntland.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -