HomeWarkiiMareykanka oo ka hadlay weerarkii ugu dambeeyay ay la beegsadeen Daacish-ta Somalia

Mareykanka oo ka hadlay weerarkii ugu dambeeyay ay la beegsadeen Daacish-ta Somalia

Warsaxaafadeed ka soo baxay
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa looga hadlay weerar dhanka cirka ah oo ay la beegsadeen dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan Gobolka-bari ee Puntland Somalia.

Mareykanka waxay xuseen inay duqeynta la eegteen buuraha Gobolka Bari dhankiisa koonfureed halkaasoo kooxda daacish ku sugnayd,mana jirto wax faah faahin oo inaas dhaafsiisan oo taliska mareykanku shaaciyay.

Taliska Mareykanka wuxuu si cad u sheegay in xogta howlgalkaan aan la shaacineyn si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

Taliska Africom wuxuu intaasi ku daray in sanadkaani guud ahaan Somalia isu geyn ay ka fuliyeen 38 weerar oo xaga cirka ah kuwaasoo ka dhan ah Daacish.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -