NEWS YORK (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareykanka ayaa si cad oo aan wax sarbeeb ah ku jirin waxay daaha uga qaadeen danahooda awood sheegasho ee keentay inay weeraraan Dalka Venezuela islamarkaana soo qa faashaan Madaxweynaha Dalkaasi oo hada Mareykanka Maxkamad suge ku ah.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Mike Waltz ayaa hadal uu ka jeedinayay fadhiga golaha ammaanka wuxuu si toos ah uga sheegay in Mareykanku marna aqbali karin in Dalka Venezuela loo adeegsado saldhig hawlgallo ay ka fuliyaan cadawga,tartamayaasha iyo kuwa la loolamaya Mareykanka oo uu ula jeedo Ruushka iyo Shiinaha.
Sidoo kale Safiirka Mareykanka wuxuu toos uga dhawaajiyay inuu jiro dano dhaqaale oo Mareykanku u weeraray Venezuela,wuxuu sheegay in Keydka ugu weyn shidaalka Dunida inuu yahay Dalka Venezuela.
“ani waa Galbeedka Qaaradda Ameerika, suurtagal-na ma aha in kaydka tamarta ugu weyn dunida ay gacanta ku sii hayaan cid ka soo horjeedda Mareykanka.” ayuu yiri Mike Waltz oo ah Safiirka Mareykanka uga wakiilka ah QM.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
